Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York kulan wax-ku-ool ah kula yeeshay Madaxweynaha Serbia, Aleksandar Vučić, iyagoo ku kulmay kalfadhiga 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay (UNGA 81).
Labada hoggaamiye ayaa sii ambaqaaday wadahadalladii kulankoodii dhawaan ka dhacay Belgrade 31-dii Agoosto iyo 1–2-dii Sebteembar 2026, iyagoo diiradda saaray tallaabooyinka xiga ee lagu xoojinayo xiriirka Soomaaliya iyo Serbia, ballaarinta iskaashiga labada dal iyo ka wadahadalka arrimaha muhiimka ah ee saameynaya Geeska Afrika iyo guud ahaan caalamka.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Dawladda Serbia uga mahadceliyay fahamka iyo iskaashiga joogtada ah ee ay la leedahay Dawladda Soomaaliya. Wuxuu sidoo kale soo dhaweeyay fursadaha lagu xoojinayo iskaashiga dhaqaalaha iyo amniga iyo hirgelinta mashaariic wadajir ah oo labada dalba faa’iido u leh.



























