| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Wasiirka Beeraha oo bilaabay olole ballaaran oo lagu xoojinayo ilaalinta deegaanka
Ololahan ayaa ujeedkiisu yahay kor u qaadista wacyiga bulshada ee ku aaddan muhiimadda dhirta iyo deegaanka, iyadoo sidoo kale diiradda lagu saarayo dib u soo nooleynta dhulka iyo yareynta saameynta isbeddelka cimilada ee dalka.
Wasiirka Beeraha oo bilaabay olole ballaaran oo lagu xoojinayo ilaalinta deegaanka
Wasiirka Beeraha oo bilaabay olole ballaaran oo beerista geedaha ah si loo xoojiyo ilaalinta deegaanka / Social Media
4 saacadood ka hor

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa hoggaamiyay hawl ballaaran oo lagu beerayay geedo oo ka dhacday xarunta wasaaradda, taasoo qayb ka ah olole qaran oo lagu xoojinayo ilaalinta deegaanka laguna soo celinayo muuqaalka cagaaran ee dalka.

Ololahan ayaa ujeedkiisu yahay kor u qaadista wacyiga bulshada ee ku aaddan muhiimadda dhirta iyo deegaanka, iyadoo sidoo kale diiradda lagu saarayo dib u soo nooleynta dhulka iyo yareynta saameynta isbeddelka cimilada ee dalka.

Wasiir Maareeye ayaa ugu baaqay hay’adaha dowladda inay door firfircoon oo muuqda ka qaataan dadaallada beerista geedaha, isagoo xusay in ilaalinta deegaanka ay tahay masuuliyad wadajir ah oo u baahan ka qeybgal dhammaan hay’adaha iyo bulshada inteeda kale.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in wada shaqeyn iyo isku xirnaan ay muhiim u yihiin hirgelinta barnaamijyada ilaalinta deegaanka, isla markaana ay lagama maarmaan tahay in la joogteeyo dadaallada noocan oo kale ah si loo gaaro natiijooyin waara oo mustaqbalka fog wax ku ool u ah dalka.

XIGASHO:SONNA