Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya, Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa daahfuray daabacaaddii saddexaad ee Warbixinta Saadaasha Dhaqaalaha Soomaaliya, taas oo iftiiminaysa waxqabadka dhaqaale ee dalka iyo mudnaanta horumarineed.
Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Wasiirka Caafimaadka iyo Adeegyada Bulshada, Dr. Cali Xaaji Aadan, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda, wakiillo ka socday bangiyada, ganacsato iyo mas’uuliyiin kale.
Doodaha munaasabadda ayaa diiradda lagu saaray isbeddellada ku yimid dhaqaalaha Soomaaliya iyo siyaabaha loo sii joogteyn karo horumarka laga gaarayo qeybaha kala duwan ee dhaqaalaha.
Wasiir Beenebeene oo ka hadlay munaasabadda ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay daabacaaddan cusub ee warbixinta, taas oo lagu falanqeynayo jihada uu u socdo dhaqaalaha dalka iyo waxqabadkiisa.
Warbixintan oo ay diyaarisay Wasaaradda Qorsheynta ayaa qiimeyn ku sameyneysa waxqabadka dhaqaale ee dowladda iyo xaaladda guud ee dhaqaalaha qaranka, gaar ahaan muddadii u dhexeysay sanadihii 2018 ilaa 2025.
Warbixintu waxay sidoo kale muujineysaa muhiimadda ay leedahay ballaarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo kordhinta wax-soo-saarka gudaha, si loo taageero koboc dhaqaale oo waara.























