| Somali
Ardayda Qaza oo imtixaan ku gelaya xeebta badda
00:31
Caalamka
Ardayda Qaza oo imtixaan ku gelaya xeebta badda
Sawirro murugo iyo adkaysi xambaarsan ayaa muujinaya ardayda Qaza oo imtixaanaadkooda ku gelaya camuudda xeebta, kadib markii ciidamada gumeysiga Israa’iil ay si baaxad leh u burburiyeen xarumihii waxbarashada iyo iskuulladii ay wax ku baranayeen.

Xeebaha marinka Qaza, oo xilliyada qaar ahaan jiray goob ay carruurtu ku ciyaaraan, ayaa maanta isu beddelay dhismihii kaliya ee u haray iftiinka aqoonta.

Sawirro murugo iyo adkaysi xambaarsan ayaa muujinaya ardayda Qaza oo imtixaanaadkooda ku gelaya camuudda xeebta, kadib markii ciidamada gumeysiga Israa’iil ay si baaxad leh u burburiyeen xarumihii waxbarashada iyo iskuulladii ay wax ku baranayeen.

Gabadhan dhallinyarada ah ee imtixaanka ku dhex samaynaysa dhawaaqa hirarka badda iyo cabsida, waa uun hal qof oo ka mid ah 90,000 oo arday jaamacadeed ah oo rajadoodii iyo mustaqbalkoodii waxbarasho uu ku dhex go'doomay dagaalkan naxariis darrada ah.

Waa dagaal aan kaliya galaafan nolosha dadka, balse si nidaamsan dhulka ula simay gebi ahaanba xarumihii tacliinta sare, jaamacadihii, iyo goobihii lagu barbaarinayay jiilka berrito ee marinka Qaza. Tani waa farriin adkaysi oo dunida tusinaysa bulsho diidday in mustaqbalkeeda la damiyo, xitaa haddii iskuulladoodii laga dhigay burbur iyo dambas.

Fiidiyowyo dheeraad ah
Iisoo tuur waa ceeb: Wasiirka Beeraha
Madaxweyne Geelle oo qaabilay Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ee Yemen
Madaxweyne Xasan Sheekh oo codkiisa ka dhiibtay degamada Warta-nabadda
Soomaaliya oo ciidamo badan u diyaarisay amniga doorashada
Geerida Taliyaha Ciidanka ee Liibiya iyo shilka diyaaradeed ee Turkiga
Mexico City: Xildhibaanno Baarlamaanka dhexdiisa timaha isku jiiday
Papua New Guinea: Iska horimaad dhex maray qabiillo iyagoo adeegsaday qaanso, fallaaro iyo mindiyo
Rakaabka Air Congo oo ka booday diyaaradda, kaddib markii ay waayeen jaranjarooyin
Wiil Falastiini ah oo si geesinimo leh isaga celiyay nin Israa’iili ah
Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo u diyaar garoobaya munaasabada xuska sannadguuradii 82-aad