| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Siddeed iyo toban dal oo cambaareeyay qorshaha Somaliland ay ku furayso “safaarad” Qudus la haysto
Wasiirrada arrimaha dibadda ee Turkiga iyo 17 dal oo kale ayaa si adag u cambaareeyay tallaabada “sharci darrada ah ee aan la aqbali karin” ee maamulka gooni-goosadka Somaliland uu ku furayo waxa loogu yeeray safaarad ku taal Qudus la haysto.
Siddeed iyo toban dal oo cambaareeyay qorshaha Somaliland ay ku furayso “safaarad” Qudus la haysto
Sideed iyo toban dal, oo ay ku jirto Turkiga, ayaa cambaareeyay Somaliland oo safaarad ka furatay Qudus. / Reuters

Wasiirrada arrimaha dibadda ee Turkiga iyo 17 dal oo kale ayaa si adag u cambaareeyay tallaabada ay ku tilmaameen “sharci darro iyo aan la aqbali karin” ee maamulka gooni-goosadka ah ee Somaliland uu ku furayo waxa loogu yeeray safaarad ku taal Qudusta la haysto.

Bayaan wadajir ah ayaa waxaa soo saaray wasiirrada arrimaha dibadda ee Turkiga, Aljeeriya, Bangladesh, Jabuuti, Masar, Indonesia, Urdun, Kuwait, Lubnaan, Mauritania, Cumaan, Pakistan, Falastiin, Qatar, Sacuudiga, Soomaaliya, Suudaan iyo Yemen.

“Wasiirradu waxay si adag u cambaareynayaan tallaabada sharci darrada ah ee aan la aqbali karin ee ay qaaday waxa loogu yeero gobolka ‘Somaliland’ ee furashada waxa loogu yeeray ‘safaarad’ ku taal Qudus la haysto,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Waxaa lagu sheegay in tallaabadan ay ka dhigan tahay “xadgudub cad” oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah iyo qaraarrada caalamiga ah ee khuseeya, isla markaana ay si toos ah u dhaawaceyso xaaladda sharci iyo taariikheed ee Qudus la haysto.

Wasiirradu waxay adkeeyeen taageerada ay u hayaan madax-bannaanida Soomaaliya

Wasiirradu waxay sidoo kale mar kale xaqiijiyeen “diidmadooda buuxda” ee tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo lagu xoojinayo xaalad sharci darro ah oo ka jirta Qudus la haysto ama lagu siinayo sharciyad hay’ado ama nidaamyo jebinaya sharciga caalamiga ah iyo qaraarrada Qaramada Midoobay ee khuseeya.

Bayaanka ayaa ku celiyay in Bariga Qudus ay tahay dhul Falastiiniyiin ah oo la haysto tan iyo 1967, isagoo adkeeyay in tallaabo kasta oo lagu doonayo in lagu beddelo xaaladdeeda sharci iyo taariikheed ay yihiin “waxba kama jiraan oo aan lahayn wax saameyn sharci ah.”

Wasiirradu waxay carrabka ku adkeeyeen taageeradooda buuxda ee midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, iyagoo diiday tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo wax u dhimaysa midnimada dhuleed ee Soomaaliya ama ku xadgudbaysa madax-bannaanida dalka.

XIGASHO:AA