Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed munaasabadda barakeysan ee Ciidda Udxiyada, isaga oo ku tilmaamay inay tahay dabaaldeg ku dhisan iimaan, naxariis, allabari, walaaltinimo, iyo taageeridda dadka nugul.
“Waxaan Alle ka baryayaa inuu naga aqbalo camalkeenna suuban, nagana dhigo kuwo ku gaara munaasabaddan mar kale nabad, caafimaad qab, iyo barwaaqo,” ayuu yiri Madaxweynaha.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale u mahadceliyay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, geesiyaasha amniga dalka, iyo dhammaan shacabka ka qeyb qaadanaya dowlad-dhiska iyo xasilloonida qaranka.
“Waxaan bogaadinayaa Ciidamada Qalabka Sida, ragga iyo dumarka geesiyaasha ah ee difaacaya qaranka, iyo dhammaan Soomaalida u taagan nabadda iyo dowladnimada. Nafhurkooda iyo dadaalkoodu waxay gacan ka geysteen horumarka iyo guulaha ay Soomaaliya maanta ku tallaabsaneyso,” ayuu sheegay.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale hambalyo iyo bogaadin gaar ah u diray xujeyda Soomaaliyeed ee hadda gudanaya waajibaadka Xajka, isaga oo Alle uga baryay in laga aqbalo cibaadooyinkooda isla markaana Soomaaliya iyo shacabkeedaba lagu mannaysto nabad iyo barako waarta.
“Waxaan Alle ka baryayaa inuu ka aqbalo cibaadooyinkooda, dalkayaga iyo shacabkeenana ku mannaysto nabad iyo barwaaqo,” ayuu raaciyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.





















