Boqolaal dhalinyaro ah oo ka soo jeeda gobolka Banaadir ayaa caawa isugu soo baxay isgoyska Taleex ee degmada Hodan si ay u qabtaan bannaanbax nabadeed oo halku-dhiggiisu ahaa “Codka Caasimadda,” iyagoo muujiyay sida ay uga go’an tahay ilaalinta nabadda, xasilloonida iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed.
Dhalinyarada ayaa fariin adag u diray shacabka Soomaaliyeed, iyagoo sheegay in Muqdisho ay weli tahay astaanta nabadda iyo midnimada qaran, waxayna carrabka ku adkeeyeen in aan la aqbali doonin isku day kasta oo lagu waxyeelleynayo amniga iyo xasilloonida caasimadda.
Isu soo baxa ayaa muujiyay dareenka waddaniyadeed ee dhalinyarada, biseylkooda siyaasadeed, iyo doorkooda sii kordhaya ee taageerada dhismaha dowladnimada, nabadda iyo horumarka guud ee dalka.


























