Dowladaha ka tirsan Hindisaha Dalalka Niil (NBI) ayaa Axaddii ku kulmay caasimadda Juba si ay u xusaan Maalinta webiga Niil, iyagoo ku baaqay ballanqaad cusub, is-ixtiraam iyo iskaashi xooggan oo ku saabsan maareynta wadaagidda biyaha.
Munaasabadda oo halku-dhiggeedu ahaa “Codka Niil: Ka-qeybgalka Bulshada, Dhallinyarada iyo Haweenka ee Maamulka Biyaha,” ayaa waxaa ka qeyb galay wakiillo ka socday 10 dal oo wadaaga webiga Niil.
Mas’uuliyiinta Koonfurta Suudaan, Masar, Suudaan iyo Itoobiya ayaa adkeeyay muhiimadda wadahadal hufan, wadaag caddaalad ku dhisan iyo iskaashi waara si wax looga qabto baahiyaha sii kordhaya ee biyaha iyo cuntada, iyo saameynta isbeddelka cimilada.
Masuuliyiinta ayaa carrabka ku adkeeyey in Hindisaha Dalalka Niil uu yahay madal muhiim u ah dhisidda kalsooni, gaarista is-afgarad guud, iyo horumarinta qaab-dhismeed iskaashi oo loo dhan yahay.
Mas’uuliyiintu waxay sidoo kale ku baaqeen in la xoojiyo wada-shaqeynta si loo hubiyo maamul waara, iyagoo xusay in Wabiga Niil uu yahay halbowlaha nololeed ee in ka badan 250 milyan oo qof oo ku dhaqan gobolka.



















