Midowga Afrika oo Waxba Kama Jiraan ku Tilmaamay Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland, kuna Celiyay Midnimada Soomaaliya
Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika (AUPSC) ayaa war-murtiyeed adag oo ay soo saareen Khamiistii ku ganafka ku dhuftay aqoonsiga halka dhinac ah ee Israa’iil ay siisay maamulka Somaliland, iyaga oo markale ku celiyay taageerada buuxda ee ay u hayaan madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Golaha oo kulan heer wasiir ah ku yeeshay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa caddeeyay in tallaabada lagu beddelayo xuduudaha Soomaaliya ay tahay mid baal-marsan sharciga caalamiga ah.
Qodobbada Ugu Muhiimsan ee War-murtiyeedka:
Diidmada Aqoonsiga Israa’iil: Goluhu waxa uu "si kulul u cambaareeyay, una diiday aqoonsiga halka dhinac ah (unilateral recognition) ee Israa’iil ay siisay waxa loogu yeero Jamhuuriyadda Somaliland," isaga oo dalbaday in go’aankaas degdeg looga laabto.
Sharciga Caalamiga ah: War-murtiyeedka ayaa lagu yiri: "Ma jirto cid ama dhinac awood u leh ama sharciyad u haysata inay wax ka beddesho qaab-dhismeedka dhuleed ee dal ka tirsan Midowga Afrika." Goluhu waxa uu intaas ku daray in tallaabo kasta oo noocaas ah ay tahay "waxba kama jiraan (null and void)" oo aan wax saameyn sharci ah ku lahayn xeerarka caalamiga ah.
Go’aankan adag ee kasoo baxay Golaha Nabadda iyo Amniga ayaa jawaab toos ah u ah ku dhawaaqistii Israa’iil ee 26-kii December ee sanadkii hore, markaas oo ay shaacisay inay si rasmi ah Somaliland ugu aqoonsatay dal madax-bannaan, tallaabadaas oo ay noqotay dalkii ugu horreeyay ee sidaas sameeya, balse ay si weyn u diideen dalalka gobolka.
Amniga iyo Siyaasadda Gudaha:
Dhinaca kale, Golaha ayaa soo dhaweeyay guulaha millatari ee dhawaan laga gaaray kooxda Al-Shabaab, waxaana ay ku dhiirri-geliyeen ciidamada amniga Soomaaliya oo kaashanaya howlgalka AUSSOM iyo saaxiibada kale inay sii wadaan cadaadiska "si loo wiiqo, ugu dambeynna looga adkaado Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee argagixisada ah."
Goluhu waxa uu sidoo kale ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay dardar-geliso wada-hadallada loo dhanyahay ee ay la leedahay Dowlad Goboleedyada iyo dhinacyada kale ee ay khuseyso.
Waxay xuseen in "qeybsanaanta dhanka maamulka dalka ay adkeynayso dagaalka ka dhanka ah argagixisada, isla markaana ay dheereynayso dadaallada xasilinta iyo dhismaha dowladnimada."
Ugu dambeyn, Golaha Nabadda iyo Amniga ayaa carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la helo maalgelin waarta, la saadaalin karo, oo dabacsan oo loo sameeyo howlgalka AUSSOM si loo xaqiijiyo amniga guud ee dalka.






















