| Somali
TURKIGA
2 daqiiqo akhris
Erdogan: Dhulgariirradii Turkiga ka dhacay 2023-kii ayaa sababay khasaare gaaraya $250 bilyan
Madaxweynaha Turkiga ayaa sheegay in saddex sano gudahood dib loo dhisay lana soo nooleeyay magaalooyinkii ay masiibadu saameysay.
Erdogan: Dhulgariirradii Turkiga ka dhacay 2023-kii ayaa sababay khasaare gaaraya $250 bilyan
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan oo khudbad ka jeedinaya barnaamijka xuska dhulgariirkii 6-dii Febraayo ee Osmaniye, Turkiga. / AA
7 saacadood ka hor

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in dhulgariirradii ba’naa ee ku dhuftay gobollada koonfurta iyo bariga Turkiga 6-dii Febraayo 2023 ay sababeen khasaare dhaqaale oo toos ah oo gaaraya $104 bilyan iyo khasaare dadban oo dhan $150 bilyan, isagoo ku tilmaamay “mid ka mid ah masiibooyinkii ugu xumaa ee taariikhdeenna.”

“Anagoo muujinayna tusaalaha ugu sarreeya ee midnimada dowlad iyo shacab, waxaan si wadajir ah u bogsiinnay dhaawacyadii ka dhashay dhulgariirka,” ayuu yiri Madaxweyne Erdogan, isagoo intaas ku daray in Turkigu uu “mar kale dunida u muujiyay awooddiisa.”

Isagoo diiday dhaleeceyn loo jeediyay jawaabtii dowladda, Erdogan ayaa sheegay in mas’uuliyiintu aysan “u hoggaansamin siyaasado sun ah oo lagu doonayay in nalagu cabsi geliyo lana jebiyo rabitaankeenna,” isagoo ku andacooday in saddex sano gudahood dib loo dhisay lana soo nooleeyay magaalooyinkii ay masiibadu saameysay.

La xiriiraTRT Somali - Erdogan oo xusay sannad-guurada dhulgariirka sheegayna in Turkigu fuliyey ballanqaadkii dib-u-dhiska

Sida ay sheegtay Hay’adda Istiraatiijiyadda iyo Miisaaniyadda Turkiga (SBB), dalka ayaa saddexdii sano ee la soo dhaafay ku bixiyay 3.6 tiriliyan oo liro Turki ah (qiyaastii $91.5 bilyan) dadaallada soo kabashada, iyadoo gobollada Kahramanmaras iyo Hatay ay udub-dhexaad u ahaayeen dib-u-dhiska.

Dhismaha guryaha ayaa mudnaan gaar ah la siiyay, iyadoo 433,667 guri iyo 21,690 goobood oo ganacsi lagu qaybiyay hab bakhtiyaa-nasiib ah, halka dhismaha guryaha joogtada ahna la dhammeystiray.

Bilyanno doolar ayaa sidoo kale lagu bixiyay waxbarashada, caafimaadka, kaabayaasha dhaqaalaha, tamarta, gaadiidka iyo taageerada shaqo-abuurka ee 11-ka gobol ee ay dhulgariirradu saameeyeen.

Hay’adda Istiraatiijiyadda iyo Miisaaniyadda Turkiga (SBB) ayaa sheegtay in soo kabashadu inta badan ay idlaatay kaddib dadaallo xooggan oo muddo dheer socday, iyadoo horumar la taaban karo laga sameeyay dib u soo celinta adeegyada dadweynaha, dhaqdhaqaaqa dhaqaalaha iyo nolosha bulshada ee gobollada ay masiibadu saameysay.

XIGASHO:TRT World and Agencies
Raadi Warar Kale
MW Erdogan iyo Amiir Bin Salmaan oo mar kale xaqiijiyay taageerada midnimada Soomaaliya
Turkiga oo ballanqaaday taageero dheeri ah oo uu la garab taagan yahay Suudaan
Shan qodob oo ka soo baxay safarkii MW Erdogan ee Boqortooyada Sacuudiga
Madaxweynaha Turkiga Erdogan oo Riyadh kula kulmay Dhaxal-sugaha Sacuudiga Mohammed bin Salman
Madaxweynaha Turkiga Erdogan oo todobaadkan booqasho ku tagaya Sacuudiga iyo Masar
Bariga Dhexe wuxuu u baahan yahay heshiis dhanka amniga ah oo loo dhan yahay: Wasiir Fidan
Ankara: Diblomaasiga ugu sarreeya Iran oo Turkiga u tegaya wadahadallo maalinta Jimcaha
Iskaashiga dhinaca badaha ee u dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya oo sii xoogeysanaya
Turkiga oo ka taageeray Nigeria dadaallada la dagaallanka argagixisada: Erdogan
Fidan iyo wafdi ka socda Xamaas, oo ka wada hadlay nabadaynta Qaza iyo xaaladda bini'aadannimo
Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda Turkiga: Muqdisho
Turkiga oo gargaar bani’aadamnimo u diray Suuriya xilli ay weerarro ka wadaan YPG
Madaxweynaha Nigeria Tinubu oo booqasho ku tagaya Turkiga si loo xoojiyo xiriirka laba geesoodka ah
Joogitaanka Ciidamada Badda Turkiga ee Gacanka Cadmeed oo loo kordhiyay hal sano oo kale
Wasiir Fidan: “Guddiga Nabadda” ee Qaza waa fursad taariikhi ah oo lagu gaari karo nabad waarta
Turkiga wuxuu u arkaa dhammaan hindisayaasha nabadda ee Qaza kuwo muhiim ah: Erdogan
Madaxweyne Erdogan oo soo dhaweeyay xabbad-joojin laga gaaray Suuriya, kuna baaqay xal waara
Markab sida 2,600 tan oo gargaar ah oo ka yimid Turkiga oo soo gaaray Dekedda Port Sudan
“Suuriya waxaa leh dadka Suuriyaanka ah”: Erdogan oo soo dhaweeyay heshiiska xabbad-joojinta Suuriya
Cidna mar dambe ma rabto in lagu ag sawiro Netanyahu: Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Fidan