Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Arbacadii hambalyo u diray hoggaanka cusub ee loo doortay Guddiga Madaxa-bannaan ee Qaranka ee Xuquuqda Aadanaha, kaddib doorasho hufan oo ka dhacday magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa hambalyeeyay Guddoomiyaha cusub, Marwo Maryam Qaasim Axmed, Guddoomiye Ku-xigeenka, Mudane Maxamed Haaruun, iyo Xoghayaha Guddiga, Marwo Fadumo Cabdikaani Yuusuf, kuwaas oo ku soo baxay hannaan doorasho oo lagu tilmaamay mid lagu kalsoonaan karo oo caddaalad ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in aqoonta iyo waayo-aragnimada hoggaanka cusub ay door muhiim ah ka qaadan doonaan hirgelinta himilada Soomaaliya ee ilaalinta iyo horumarinta xuquuqda aadanaha.
Wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay mas’uuliyadda guddiga ee diiradda saaraysa dhowrista xuquuqda aadanaha, xoojinta cadaaladda, iyo dhiirrigelinta isla-xisaabtanka guud ahaan dalka.
Doorashada hoggaanka cusub ee Guddiga Madaxa-bannaan ee Qaranka ee Xuquuqda Aadanaha ayaa astaan u ah horumar weyn oo laga gaaray ilaalinta xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya. Tani waxay ku soo beegmaysaa xilli ay Soomaaliya si buuxda u soo ceshatay hannaan madaxbannaan oo u oggolaanaya maareynta, la socodka, iyo ka warbixinta arrimaha xuquuqda aadanaha.
Dib u soo celinta qaab-dhismeedkan madaxbannaan ayaa Soomaaliya u suurtagelinaysa inay si madax-bannaan u gutto waajibaadkeeda qaran iyo kuwa caalami ah ee la xiriira horumarinta iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha.




















