Safaaradda Soomaaliya ee Shiinaha ayaa sanadkan magaalada Beijing ku qabatay munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu xusayay Maalinta Afrika, taas oo ay ka soo qayb galeen safiirrada Afrika ee laga aqoonsan yahay Shiinaha, diblomaasiyiin, iyo marti sharaf kale.
Dalalka Afrika ee ka qaybgalay ayaa soo bandhigay dhaqamadooda iyo hidahooda kala duwan iyagoo adeegsanaya ciyaaro dhaqameed, muusig, gabayo, cuntooyin, iyo dhar dhaqameed ka tarjumaya hidaha qaran ee dal walba.
Safaaradda Soomaaliya ayaa soo bandhigtay dhaqanka iyo hiddaha Soomaaliyeed, taas oo si weyn u soo jiidatay dareenka ka qaybgalayaasha. Munaasabadda ayaa sidoo kale iftiimisay astaamo ka tarjumaya taariikhda iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed.
Xuska Maalinta Afrika ayaa sanad walba lagu qabtaa Shiinaha si loo xoojiyo iskaashiga iyo xiriirka u dhexeeya dalalka Afrika iyo Shiinaha.
Iyadoo ka hadlaysay munaasabadda, Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Shiinaha, Hodan Cismaan Cabdi, ayaa sheegtay in ujeeddada dabaaldegga aysan ahayn oo keliya xus taariikhi ah, balse sidoo kale ay ahayd in la abuuro fursad ay dadku wax badan uga bartaan Afrika iyo dhaqamadeeda kala duwan.





















