Xoghayaha Guud ee Guddiga Madaxa-bannaan ee Qaranka ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya, Xuseen Nuunow Cali, ayaa maanta guddoonsiiyay shahaadooyinka musharraxnimo musharraxiinta u tartamaya hoggaanka Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka, Mahad Maxamed Sheekh Xassan oo ka tirsan xisbiga JSP ayaa la tartami doona Cabdulxakiim Maxamuud Fiqi oo ka socda Xisbiga Midnimada iyo Horumarka Qaranka (NUP).
Dhanka kale, Aadan Xassan Maxamed oo ka tirsan xisbiga JSP iyo Cabdirisaaq Xuseen Aadan oo ka socda Xisbiga Karaama ayaa ku tartamaya xilka Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad, halka Shamso Maxamed Yarow (JSP) iyo Axlaam Cumar Maxamed (Karaama) ay u tartamayaan xilka Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad.
Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa loo qorsheeyay inay qabsoonto 4-ta Juun 2026.





















