| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Jabuuti: Ololaha doorashada madaxtinimada oo xawli ku socda
Geelle oo ka sharraxan Isbaheysiga talada haya ee loo soo gaabiyo UMP (Union for the Presidential Majority), ayaa u tartamaya muddo-xileedkiisii lixaad (6-aad) ee xafiiska.
Jabuuti: Ololaha doorashada madaxtinimada oo xawli ku socda
Geelle ayaa u tartamaya muddo-xileedkiisii lixaad (6-aad) ee xafiiska. / User Upload
11 saacadood ka hor

Ololaha doorashada madaxtinimada ee dalka Jabuuti ayaa si rasmi ah u bilowday, iyadoo Madaxweynaha xilka haya, Ismaaciil Cumar Geelle, uu dardargeliyay isu-soobaxyada uu ku raadinayo in dib loo doorto.

Doorashadan oo la filayo inay dalkaas ka dhacdo 10-ka bisha Abriil, ayaa si weyn isha loogu hayaa, maadaama uu loollan siyaasadeed ka dhex bilowday xisbiga talada haya iyo mucaaradka.

Geelle oo ka sharraxan Isbaheysiga talada haya ee loo soo gaabiyo UMP (Union for the Presidential Majority), ayaa u tartamaya muddo-xileedkiisii lixaad (6-aad) ee xafiiska.

Tallaabadan ayaa suurtagal noqotay kadib markii baarlamaanka Jabuuti uu sannadkii hore meesha ka saaray qodob dastuuri ah oo xaddidayay da’da musharraxiinta madaxweynenimada, taas oo u banneysay waddada inuu mar kale u tartamo xilka ugu sarreeya dalka.

Dhinaca kale, Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa doorashadan tartan adag kala kulmaya musharraxa mucaaradka ah ee Maxamed Faarax Samatar, kaas oo u taagan xisbiga Xarunta Dimuqraadiga Mideysan ee (CDU - Unified Democratic Centre). Samatar ayaa ololihiisa diiradda ku saaraya yididiilo isbeddel, isagoo taageero ka raadinaya bulshada dalkaas.

Labada musharrax ayaa maalmaha soo socda sii wadi doona safarradooda olole ee ay ku marayaan guud ahaan gobollada dalka. Waxaa la qorsheeyay isu-soobaxyo waawayn oo ka dhici doona magaalooyin iyo deegaanno kala duwan, iyadoo loollanka iyo ololaha doorashadu uu aad u sii kululaanayo inta aan la gaarin maalinta codbixinta ee 10-ka Abriil.