| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Wafdi Maraykan ah oo ku wajahan Pakistan si loogu gogol xaaro wadahadallo lala yeesho Iiraan
Si kastaba ha ahaatee, Tehran ayaa “wali aan diyaar u ahayn” wadahadallo ay la gasho Washington sababo la xiriira kalsooni darro, sida ay sheegeen ilo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Pakistan
Wafdi Maraykan ah oo ku wajahan Pakistan si loogu gogol xaaro wadahadallo lala yeesho Iiraan
Sawir hore: Ra'iisul Wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif oo sannadkii hore booqasho ku tagey Iiraan. / Reuters / Reuters
24 Maarso 2026

Wafdi ka socda Maraykanka ayaa la filayaa inuu “maalmo gudahood” gaaro Pakistan iyago u gogol xaaraya wadahadallo suurtagal ah oo looga arrinsanayo joojinta dagaalka Iiraan, sida ay ilo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Islamabad u xaqiijiyeen Wakaaladda Wararka ee Anadolu.

Si kastaba ha ahaatee, ilaha Pakistan ayaa sheegay in Tehran “wali aysan diyaar u ahayn” inay wadahadal la gasho Washington sababo la xiriira kalsooni darro.

“Waxaa socda dadaallo loo marayo diblomaasiyad qarsoodi ah si Iiraan loogu qanciyo inay ka qeyb gasho wadahadallada,” ayuu yiri masuul ka tirsan wasaaradda, isagoo intaas ku daray in Pakistan, Turkiga iyo Masar “si wadajir ah u fududeynayaan dadaalkan.”

Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif ayaa aroortii Isniinta khadka telefoonka kula hadlay Madaxweynaha Iiraan Masoud Pezeshkian si “loogu qanciyo Tehran,” sida ay sheegeen ilaha, iyagoo aan bixin faahfaahin dheeraad ah.

Wafdiga Maraykanka ayaa la filayaa inuu ku jiro ergayga Bariga Dhexe ee Madaxweyne Donald Trump, Steve Witkoff, iyo Jared Kushner oo uu soddog u yahay, sida ay ilahaasi sheegeen.

Taliyaha ciidanka Pakistan Gen. Asim Munir ayaa sidoo kale Axaddii kala hadlay Trump arrinta dagaalka Iiraan, sida uu Isniintii weriyay Financial Times.

Warbixintu waxay intaas ku dartay in Pakistan ay soo jeedisay in caasimaddeeda Islamabad noqoto goob lagu qabto shir u dhexeeya saraakiil sare oo ka tirsan maamulka Trump iyo mas’uuliyiinta Iiraan, taas oo qayb ka ah dadaalladeeda diblomaasiyadeed.

Arrintan ayaa timid xilli Trump uu Isniintii ku dhawaaqay inuu amar ku bixiyay in muddo shan maalmood ah dib loo dhigo duqeymo milatari oo lagu qaadi lahaa warshadaha korontada ee Iiraan.

Iiraan ayaa beenisay inay wax wadahadallo ah la lahayd Maraykanka 24-kii maalmood ee la soo dhaafay, balse Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa qiratay inay heshay farriimo ka yimid “dalal saaxiib ah” oo muujinaya codsiyo wadahadal oo ka yimid Maraykanka.

XIGASHO:AA