| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Trump oo Madaxweynaha Israa’iil Herzog ku tilmaamay “daciif oo aan qiimo lahayn”
Madaxweynaha Maraykanka ayaa ka gaabsaday inuu caddeeyo in la beegsan doono ama la qabsan doono kaabayaasha shiidaalka Iiraan.
Trump oo Madaxweynaha Israa’iil Herzog ku tilmaamay “daciif oo aan qiimo lahayn”
Trump oo ku tilmaamay Madaxweynaha Israa’iil Herzog “daciif oo aan qiimo lahayn” kadib markii uusan cafin Netanyahu / Reuters
6 saacadood ka hor

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa Axaddii weerar afka ah ku qaaday Madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog, isagoo ku tilmaamay “daciif oo aan qiimo lahayn” isla markaana ku eedeeyay inuu ka been sheegay ballantiisii aheyd inuu cafin doono Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu.

“Wuxuu ii sheegay marar badan, in ka badan hal mar, inuu cafin doono, balse been ayuu ii sheegay,” ayuu Trump u sheegay Channel 14 ee Israa’iil, isagoo intaas ku daray in Herzog “uusan ahayn hoggaamiye.”

Trump ayaa sheegay in dacwadda musuqmaasuq ee lagu soo oogay Netanyahu ay mashquulineyso dadaallada dagaalka.

“Bibi waa inuu diiradda saaraa dagaalka, ee ma aha waxyaabo aan muhiim ahayn,” ayuu yiri.

Trump ayaa arrintan horey dhowr jeer uga hadlay, isagoo hore ugu tilmaamay Herzog “qof daciif ah oo aan waxba tarayn,” isla markaana ku eedeeyay inuu arrinta cafiska u adeegsanayo dano siyaasadeed.

Sarkaal sare oo Israa’iili ah ayaa ka horyimid hadalka Trump, isagoo sheegay in Herzog uusan waligiis ballan noocaas ah sameyn, isla markaana uu u sheegay la-taliyeyaasha Trump inuu arrinta u eegi doono si waafaqsan habraacyada sharciga.

Netanyahu ayaa wajahaya dacwado musuqmaasuq oo muddo dheer socday, kuwaas oo la xiriira eedeymo ku saabsan inuu helay faa’iidooyin iyo adeegyo uu ku beddelay tallaabooyin sharciyeed, go’aanno nidaam iyo taageero diblomaasiyadeed oo uu siiyay ganacsato hodan ah iyo milkiilayaal warbaahineed.

Dhanka dagaalka Iiraan, Trump ma uusan caddeynin in ciidamada Maraykanku ay bartilmaameedsan doonaan ama qabsan doonaan kaabayaasha shidaalka iyo gaaska ee Iiraan, isagoo sheegay inuusan hadda ka jawaabi karin arrintaas.

Weerarrada Maraykanka iyo Israa’iil ku qaadeen Iiraan ayaa bilaabmay 28-kii Febraayo, waxaana la sheegay inay ilaa hadda dileen ugu yaraan 1,300 oo qof, oo uu ku jiro hoggaamiyihii sare ee xilligaas Ayatollah Cali Khamenei.

Iiraan ayaa kaga jawaabtay weerarro drones iyo gantaallo ah oo ay ku beegsatay Israa’iil, Urdun, Ciraaq iyo dalalka Khaliijka ee martigeliya saldhigyada milatari ee Maraykanka.

XIGASHO:AA
Raadi Warar Kale
64 qof oo ay ku jiraan 13 caruur ah oo lagu dilay weerar lagu qaaday isbitaal ku yaalla Suudaan: WHO
Iiraan oo sheegtay in aysan jirin wax wada-hadallo ah oo ay xilligaan la wadaan Maraykanka
Israa’iil oo mamnuucday in Salaadda Ciidda lagu tukado Al-Aqsa iyadoo ku marmarsiyootay amniga
Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo hambalyada Ciidul Fidriga u diray shacabka Soomaaliyeed
Dowladda Federaalka Soomaaliya oo diiday go’aanka Koonfur Galbeed, kuna baaqday wada-hadal
Madaxa GCC oo cambaareeyay bartilmaameedsiga Iiraan ee warshadda gaaska Ras Laffan ee Qatar
Qatar oo amartay in ay dalka ka baxaan u-qeybsanayaasha milatari iyo amni ee safaaradda Iiraan
Iiraan oo gantaallo la beegsatay Ras Laffan iyo Qatar oo sheegtay in uu jiro "waxteello ballaaran"
Gantaal Iiraani ah oo ku dhacay bartamaha Israa’iil oo sababay dhimashada 1 qof iyo dhaawaca 5 kale
Cumaan oo ugu baaqday xulafada Maraykanka inay ka caawiyaan soo afjaridda dagaalka Iiraan
Pentagon-ka oo dalbaday $200+ bilyan oo maalgelin degdeg ah oo loogu talagalay dagaalka Iiraan
Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo xiriirka u jaray dowladda dhexe
Iiraan oo xaqiijisay in Cali Larijani lagu dilay weerar ay fulisay Israa’iil
Xisbullah oo sheegtay inay 12 howlgal ka fuliyeen bartilmaameedyo Israa’iil ah
9 qof oo ay ku jiraan 3 shaqaale caafimaad ah oo lagu dilay duqeymo Israa’iil ka geysatay Lubnaan
Araghchi oo sheegay in wadahalkii ugu dambeeyay ee uu la yeeshay Witkoff uu ahaa weerarka ka hor
Sacuudiga oo ku dhawaaqay in la soo riday 26 drone tan iyo subaxnimadii Talaadada
Rubio oo faray diblomaasiyiinta Mareykanka inay ku cadaadiyaan dalalka tallaabo ka dhan ah Iiraan
Milatariga Mareykanka oo beeniyay sheegashada Iiraan ee ku saabsan burburinta diyaarado Mareykan ah
MW Geelle oo qaabilay ergey gaar ah: Ruwaanda oo taageero diblomaasiyadeed ka codsatay Jabuuti