Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, oo booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Addis Ababa, ayaa si adag uga hadlay go’aanka ay Israa’iil ku aqoonsatay Somaliland inay tahay dawlad madax-bannaan, isagoo noqday dalkii ugu horreeyey ee tallaabadaas qaada.
Erdogan ayaa hoosta ka xariiqay in go’aankan aysan dani ugu jirin Somaliland iyo guud ahaan xasilloonida gobolka.
“Waxaan rabaa inaan mar kale ku celiyo in aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland uusan faa’iido u lahayn Somaliland iyo guud ahaan Geeska Afrika toona,” ayuu yiri Erdogan intii uu socday shir jaraa’id oo wadajir ah oo uu la qabtay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed.
Madaxweyne Erdogan ayaa ku baaqay in waddamada gobolku ay iyagu iska kaashadaan xallinta dhibaatooyinkooda, isagoo ka digay in Geeska Afrika loo beddelo “fagaaro ay ku tartamaan quwadaha shisheeye.” Turkiga ayaa aaminsan in xasilloonida gobolka ay ku xiran tahay iskaashi dhexmara dalalka dariska ah.
Intii uu shirka jaraa’id socday, Erdogan ayaa u mahadceliyey Soomaaliya iyo Itoobiya doorkii ay ka qaateen “Hannaankii Ankara” ee lagu dhexdhexaadinayay labada dal.
Wuxuu tilmaamay in haddii gobolku xasillo, aysan jiri doonin wax caqabad ah oo hortaagan in Geeska Afrika uu noqdo goob soo jiidata fursadaha dhaqaale ee caalamka.
Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa sheegay inuu Turkiga weydiistay taageero ku aaddan dadaalka ay Addis Ababa ugu jirto sidii ay u heli lahayd marin badeed. Abiy ayaa ku tilmaamay “raadinta marin badeed” mid ka mid ah qodobbada udub-dhexaadka u ahaa wadahadallada uu la yeeshay hoggaamiyaha Turkiga.
100 Sano oo Xiriir ah iyo Iskaashi Ganacsi
Booqashadan heerka sare ah, oo ay ku weheliyeen wasiirrada Arrimaha Dibadda iyo Gaashaandhigga ee Turkiga, ayaa ku soo aadday sannad-guurada 100-aad ee xiriirka labada dal oo soo bilaawday sannadkii 1926-kii.
Labada hoggaamiye ayaa ka wadahadlay sidii ganacsiga laba-geesoodka ah loo gaarsiin lahaa ugu yaraan $1 bilyan.
Hadda, in ka badan 200 oo shirkadood oo Turki ah ayaa ka hawlgala Itoobiya, iyagoo geliyey maalgashi dhan $2.5 bilyan, isla markaana shaqo u abuuray qiyaastii 20,000 oo qof.
Sidoo kale, labada dhinac ayaa isku raacay iskaashiga fagaarayaasha caalamiga ah, oo ay ku jirto wadahadallada cimilada ee COP31, oo sannadka dambe ka dhici doona Turkiga, ka dibna Itoobiya.



























