| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
NISA oo howlgal wadajir ah ku dishay taliye sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab meel u dhow Saakow
Abu Osama ayaa door weyn ku lahaa shabakadda Al-Shabaab ee baadda iyo dhaca hantida shacabka Soomaaliyeed. Xilligii la dilayay, wuxuu si toos ah ugu lug lahaa ururinta canshuuro sharci-darro ah oo si qasab ah looga qaadi jiray dadka deegaanka.
NISA oo howlgal wadajir ah ku dishay taliye sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab meel u dhow Saakow
NISA oo howlgal wadajir ah ku dishay taliye sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab meel u dhow Saakow / TRT SOMALI
8 saacadood ka hor

Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), iyada oo kaashaneysa saaxiibbo caalami ah, ayaa fulisay howlgal guuleystay oo ka dhacay agagaarka degmada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe, kaas oo lagu dilay taliye sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab, laguna magacaabi jiray Maxamed Saalax Idle, kuna naaneysi jiray Abu Osama.

Howlgalka ayaa dhacay 8-da bishan. Abu Osama wuxuu ka mid ahaa saraakiisha ugu dhow hoggaamiyaha Al-Shabaab, Axmed Diiriye (Abu Cubeydah), waxaana loo diyaarinayay inuu beddelo madaxa maaliyadda kooxda, Cabdullaahi Wadaad. Wadaad ayaa lagu dilay 23-kii Janaayo howlgal kale oo wadajir ah oo ay fuliyeen NISA iyo saaxiibbo caalami ah, kaas oo ka dhacay deegaanka Kuunyo Barrow ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Abu Osama ayaa door weyn ku lahaa shabakadda Al-Shabaab ee baadda iyo dhaca hantida shacabka Soomaaliyeed. Xilligii la dilayay, wuxuu si toos ah ugu lug lahaa ururinta canshuuro sharci-darro ah oo si qasab ah looga qaadi jiray dadka deegaanka.

Sida ay sheegeen mas’uuliyiinta ammaanka, taliyaha la dilay ayaa hore u soo qabtay xilal sare oo kala duwan oo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo ay ka mid yihiin:

  • Taliyaha Al-Shabaab ee gobolka Shabeellaha Hoose

  • Madaxa la socodka baadda lagula kaco shacabka

  • Xubin ka tirsan golaha ay kooxda ugu yeerto Shuurada

  • Madaxa waaxda faafinta wararka marin-habaabinta

  • Taliyaha dekedda Kismaayo

  • Taliyaha guud ee Kismaayo intii ay kooxda gacanta ku haysay magaalada

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgalkaasi uu qayb ka yahay dadaal joogto ah oo lagu burburinayo hoggaanka Al-Shabaab laguna jarayo ilaha dhaqaale ee ay ku shaqeyso, iyadoo mar kale xaqiijisay go’aankeeda ah ilaalinta shacabka iyo soo celinta amniga guud ee dalka.

XIGASHO:SONNA