Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa beenisay wararka sheegaya in Ankara ay qorsheyneyso inay 15,000 oo askari oo dheeraad ah u dirto Soomaaliya, kadib codsi la sheegay inuu ka yimid Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga, Admiral Zeki Aktürk, ayaa shir jaraa’id oo toddobaadle ah oo ka dhacay Istanbul ku sheegay in joogitaanka milateri ee Turkiga ee Soomaaliya uu weli ku kooban yahay taageerada, tababarka iyo la-talinta ciidamada Soomaaliyeed.
Wasaaradda ayaa sheegtay in Ciidanka Hawlgalka Soomaaliya iyo Turkiga iyo Taliska Ciidanka Cirka ee Turkiga ee Soomaaliya ay sii wadaan taageerada lagu xoojinayo awoodda Soomaaliya ee la dagaallanka argagixisada.
SHEEKOOYIN KALE
XIGASHO:TRT SOMALI























