| Somali
CAALAMKA
3 daqiiqo akhris
Uganda oo martigelinaysa shir-madaxeed looga arrinsanayo mustaqbalka hawlgalka AUSSOM ee Soomaaliya
Shirka ayaa ku soo beegmaya xilli ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya ciidamada AUSSOM iyo saaxiibbada caalamiga ah ay sii wadaan howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab.
Uganda oo martigelinaysa shir-madaxeed looga arrinsanayo mustaqbalka hawlgalka AUSSOM ee Soomaaliya
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud (Bidix) iyo dhiggiisa dalka Uganda Yoweri Museveni.

Dalka Uganda ayaa martigeliyay shir-madaxeed aan caadi ahayn oo ay isugu yimaadeen dalalka ciidamadoodu ka qaybqaataan Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), iyadoo hoggaamiyeyaasha gobolka ay ka tashanayaan mustaqbalka hawlgalka iyo doorka uu ku yeelan doono amniga Soomaaliya sannadaha soo socda.

Shirkan oo soconaya muddo saddex maalmood ah ayaa ku furmay kulanka Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida ee dalalka ciidamadu ka joogaan Soomaaliya. Maalinta Khamiista waxaa xigi doona kulanka Wasiirrada Difaaca, halka maalinta Jimcaha ay si rasmi ah u kulmi doonaan Madaxweynayaasha iyo Hoggaamiyeyaasha Dowladaha.

Waxaa shirka ka qayb galaya madaxda Soomaaliya, Uganda, Burundi, Jabuuti, Itoobiya, Kenya iyo Masar, waxaana sidoo kale goob joog ka ah mas’uuliyiin sare oo ka socda Midowga Afrika (AU), Qaramada Midoobay (UN) iyo Urur-goboleedka IGAD.

Shirka ayaa ku soo beegmaya xilli ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya ciidamada AUSSOM iyo saaxiibbada caalamiga ah ay sii wadaan howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo isla markaana la qorsheynayo in mas’uuliyadda amniga si tartiib tartiib ah loogu wareejiyo ciidamada Soomaaliyeed.

Sida ay sheegtay Wasaaradda Difaaca Uganda, ajandaha kulanka waxaa ka mid ah qiimeynta horumarka laga sameeyay xasilinta Soomaaliya, qorshaha kala-guurka amniga, iyo sidii loo sii wadi lahaa taageerada hawlgalka AUSSOM. Shirka ayaa lagu qabanayaa halku-dhigga “Joogtaynta Geeddi-socodka Xasilinta Soomaaliya.”

Dhanka Midowga Afrika, wafdiga waxaa hoggaaminaya Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Mahmoud Ali Youssouf, waxaana ku wehliya Madaxa Hawlgalka AUSSOM, Danjire El Hadji Ibrahima Diene. Qaramada Midoobay ayaa iyaduna shirka ku meteleysa saraakiil sare oo ay ku jiraan Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Arrimaha Nabadeynta iyo madaxda howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

War-saxaafadeed ay dowladda Uganda soo saartay ayaa lagu sheegay inay ka go’an tahay taageeridda nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrika iyadoo la kaashanaysa Midowga Afrika, Qaramada Midoobay, IGAD iyo saaxiibbada kale ee caalamiga ah.

Shirka Kampala ayaa sidoo kale si gaar ah diiradda u saari doona mustaqbalka AUSSOM, maadaama muddo-xileedka rasmiga ah ee hawlgalka uu ku eg yahay 31-ka Diseembar 2026. Madaxda ka qayb galaysa ayaa la filayaa inay ka wada hadlaan qaabka loo maalgelin doono hawlgalka, awoodda ciidamada, iyo qorshaha lagu xaqiijinayo in ciidamada Soomaaliya ay si buuxda ula wareegaan mas’uuliyadda amniga.

Mas’uuliyiinta Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay sanadkii la soo dhaafay dib ula wareegeen deegaanno dhowr ah oo istaraatiiji ah, isla markaana adeegyada aasaasiga ah dib loogu soo celiyay qaar ka mid ah goobihii laga saaray Al-Shabaab.

Kulankan ayaa sidoo kale ku soo beegmaya xilli Turkigu uu sii xoojinayo taageerada uu siiyo Soomaaliya ee dhinacyada amniga iyo diblomaasiyadda. Dowladda Turkiga ayaa bishii Luulyo martigelisay wadahadallo u dhexeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo siyaasiyiin mucaarad ah, kuwaas oo looga gol lahaa yareynta khilaafaadka siyaasadeed iyo taageeridda geeddi-socodka dowlad-dhiska.

Go’aannada kasoo baxa shirka Kampala ayaa la filayaa inay saameyn ku yeeshaan jihada hawlgalka AUSSOM iyo kaalinta Midowga Afrika ee taageeridda amniga Soomaaliya, iyadoo talooyinka shirka loo gudbin doono Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika iyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

XIGASHO:TRT Afrika