Shaqaalaha duulista Kenya ayaa Talaadadii soo afjaray shaqo-joojintii laba maalmood socotay, kaddib markii ay heshiis la gaareen dowladda iyo hay’adaha duulista, taas oo sababtay carqalad ku timid duulimaadyadii ka jiray garoomada waaweyn ee dalka.
Ururka Shaqaalaha Duulista Kenya (KAWU) ayaa heshiis la galay Wasaaradda Gaadiidka, Hay’adda Garoomada Diyaaradaha Kenya (KAA), Hay’adda Duulista Rayidka Kenya (KCAA) iyo shirkadda diyaaradaha Jambojet, kaas oo lagu soo afjaray shaqo-joojinta.
Sida heshiiska lagu sheegay, shaqaaluhu waxay si degdeg ah ugu laabanayaan shaqadooda, iyadoo dhammaan dhinacyaduna ay iska kaashanayaan sidii hawlihii garoomada diyaaradaha loogu soo celin lahaa xaaladdoodii caadiga ahayd.
Heshiiska ayaa sidoo kale dhigaya in lacagaha adeegga ururka shaqaalaha ee ay KAWU ku lahayd KAA loo sii daayo ururka.
KAWU iyo KCAA ayaa dib u bilaabaya wadaxaajoodyadii ku saabsanaa heshiiska gorgortanka wadajirka ah ee shaqaalaha. KCAA ayaa sidoo kale ballanqaadday inay ixtiraami doonto oo ay fulin doonto wixii kasoo baxa wadaxaajoodyadaas.
Dhanka kale, shaqaalihii ka qayb qaatay shaqo-joojinta looma ciqaabi doono, looma hanjabi doono, looma takoori doono, lagamana qaadi doono tallaabo anshaxeed sababo la xiriira ka qaybqaadashadooda shaqo-joojinta.
Khilaaf u dhexeeya KAWU iyo Jambojet oo ku saabsan aqoonsiga ururka shaqaalaha ayaa weli horyaalla maxkamadda. Labada dhinac ayaa ku heshiiyay inay u hoggaansamaan go’aanka maxkamadda marka uu soo baxo.
Shaqo-joojintu waxay si weyn u saameysay hawlihii Garoonka Caalamiga ah ee Jomo Kenyatta (JKIA) ee Nairobi, iyo sidoo kale garoomada diyaaradaha ee Mombasa, Kisumu iyo Eldoret.
Intii ay shaqo-joojintu socotay, duulimaadyo ayaa la baajiyay, halka kuwo kalena ay dib u dhaceen ama ay la kulmeen carqalado kale. Kenya Airways ayaa sheegtay in qaar ka mid ah duulimaadyadeeda ay saameeyeen shaqo-joojintu.
Shirkadda diyaaradaha RwandAir ayaa iyaduna Isniintii baajisay duulimaadyadii WB452 iyo WB453, iyadoo sababta lagu sheegay carqaladaha ka dhashay shaqo-joojinta iyo hawlaha garoonka JKIA.
Shaqo-joojintan ayaa ahayd tii labaad ee weyn ee ay sameeyaan shaqaalaha duulista Kenya sanadkan. Bishii Febraayo ayay shaqaaluhu sameeyeen shaqo-joojin kale oo ku dhowaad hal maalin iyo bar socotay, taas oo iyaduna carqalad ku keentay hawlihii duulimaadyada dalka, ka hor intii aan shaqaalaha lagu heshiisiin oo ay shaqada dib ugu laaban.






















