Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhaqan-gelisay habraacyo heer sare ah oo xakameyn iyo ka hortag ah si looga jawaabo khatarta sii kordheysa ee cudurrada faafa ee ka jirta Bartamaha iyo Bariga Afrika.
Wasiiru Dowlaha Caafimaadka ahna Ku-simaha Wasiirka, Dr. Maryama Maxamed Xuseen, iyo Wasiir Ku-xigeenka Dr. Maxamed Xasan Bulaale, ayaa shir degdeg ah oo isku-duwid ah ku guddoomiyay Xarunta Hawlgallada Gurmadka Degdegga ah ee Caafimaadka Dadweynaha (PHEOC), oo ku taalla Machadka Qaranka ee Caafimaadka (NIH) ee Muqdisho.
Tallaabadan heerka sare ah ayaa looga golleeyahay diyaar garowga iyo ka hortagga cudurka Ebola/Bundibugyo ebolavirus kadib markii la xaqiijiyay in uu cudurkan ka dillaacay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC) iyo Uganda.
Kulanka oo ay ka qayb galeen dhinacyo badan ayaa waxaa ka qayb galay Agaasimaha Guud ee NIH, hoggaanka Ururka Isbitaallada Gaarka loo leeyahay ee Soomaaliya, iyo bahwadaagta farsamo ee caalamiga ah oo ay ka mid yihiin Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO), Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM), iyo Shabakadda Afrika ee Cudurrada Faafa (AFENET).
Ujeeddooyinka istaraatiijiga ah ee shirkan ayaa si toos ah diiradda u saaraya xoojinta nidaamka digniinta hore ee dalka iyo adkeynta baaritaannada ka socda goobaha muhiimka ah ee laga soo galo dalka, oo ay ku jiraan garoomada diyaaradaha, dekedaha, iyo xuduudaha dhulka. Qodobbada muhiimka ah ee lagu go’aamiyay kulanka waxaa ka mid ah kor u qaadidda awoodda shaybaarada gobollada, hagaajinta nidaamka warbixinta cudurrada ee qaranka, iyo mideynta habraacyada Ka Hortagga iyo Xakameynta Caabuqyada (IPC). Wasaaradda ayaa amartay in si degdeg ah loo kaydiyo loona xaqiijiyo qalabka ilaalinta shaqsiga (PPE) dhammaan xarumaha caafimaadka ee heerka koowaad ee dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay.
Si loo xaqiijiyo fulin degdeg ah, shirkii gurmadka degdegga ah ayaa lagu soo gabagabeeyay saxiixa jadwal hawleed oo waajib ah. Wasaaradda Caafimaadka ayaa dejisay muddo saddex maalmood ah oo lagu hirgelinayo qorshe degdeg ah oo maxalli ah, waxaana xigi doona qorshe qaran oo toddobo maalmood gudahood lagu xaqiijinayo diyaar-garow buuxa. Dr. Maryama Maxamed Xuseen ayaa ku ammaantay kooxaha safka hore ee cudurrada faafa, iyadoo ku celisay in dowladda federaalku ay si buuxda diyaar ugu tahay inay adeegsato dhammaan awoodaha dowladeed iyo kuwa amni si loo ilaaliyo caafimaadka bulshada dalka.





















